Sirad Jafar — Isku Xerka Bulshada, Xiriirka Caalamiga ah iyo Siyaasadda

Baaqa Islaamiga

Magaca Buuga: Baaqa Islaamiga (The Islamic Declaration)
Qoraaga Buuga: Aliya Izzetbogovic.
Ujeedka buuga: Jihaynta dadka muslimiinta ah.
Halaheyska buuga: Aaminsanan iyo dadaal diiran.

HORUDHAC
Aliya Izzetbogovic Buugiisan “The Islamic Declaration” waxa uu qoray sanadii 1969. Aliya Izzetbogovic waxa uu 1925 ku dhashay dalka Bosnia gaar ahaan magaalada Ismak, sanadii 1946 waxaa Aliya Izzetbogovic lagu xukumay saddex sano oo xarig ah, waxaa iyana xusid mudan in Qorista buugiisa ay ku soo aaday burburki Yugoslavya. Sidoo kale Aliya waxa uu dhidibada u taagay xisbiga dhaqdhaqaqa dimoqraadiyada, waxana loo magacaabay madaxa xisbiga, Aliya izzetbogovic waxa uu si wacan uga qeyb-qaatay dagaalo ka dhacay dalkiisa oo looga gol lahaa xorriyad iyo isbedel nidaam islaami ah ku saleysan in dalka lagu xukumo.

Heshiiskii Dayton (Dayton Agreement) kadib sanadii 1996 waxa loo magacaabay xilal kala duwan, sanadii 1997 waxa uu noqday madaxweynaha dalka Bosnia. Nasiib darro saddex sano kadib cadaadis kaga yimid beesha caalamka waxaa lagu kalifey in uu xilka iskaga tago. Aliya waxa uu ahaa aqoonyahan, mujaahid, howlkar, dadaal badane oo kaalin mug leh ka qaatay hormarinta islaamka iyo buslshooyinka muslimiinta ah, Aliya buuggani waxa uu ku soo koobayaa saddex cutub oo kala ah.

1. Dib u dhaca iyo hormar la’aanta mujtamaca muslimka ah
2. Nidaamka islaamka “The islamic System”
3. Dhibaatada maanta kajirta Nidaamka islaamka

CUTUBKA 1aad: DIB U DHACA DADYOWGA MUSLIMIINTA.
Bilowga cutubkaan qoraaga buugga waxa uu isku waydiinayaa laba su’aalood oo muhiima ah kuwasoo kala ah:

Ma dooneysaan in dadka Muslimiinta dib u dhaca, faqriga iyo hormar la’aanta ay ku sugan yihiin maanta ay ka baxaan? Ma dooneysaan in ay dib u soo noqoto sharaftii, awooddi iyo hormarkii ay lahaayeen dadka Muslimiinta?

Hadday jawaabtiinu “HAA” tahay sida aan hadafkani ku gaari lahayn, qof kasta waxaa ku waajib ah iyo bulsho walba oo haysata diinta islaamka in ay noloshooda si xaqiiqda ku saleeyaan u waajahaan kuna shaqeeyaan qaab wadajir ah, si ay diinta Islaamka u gaarsiiyaan adduunka oo idil, iyagoo markasta ilaalinaya islaamka lana jaanqaadaya dunida markaas jirta. Qoraaga buuga wuxu cadeynayaa In ay dadka muslimiinta arrintaan suurtogalin karaan, Taasna waxaa daliil u ah taarikhdii dheereed ee umadan muslimiinta ah ay soo mareen, taasna waxaa u daliil ah taariikhdii dheereed ee umadaan soo martay. Nasiib daro Muslimiinta waqtigan waxa ay noqdeen dad kaliya ka fekara wax aan dhaafsiisnay nolol maalmeedkooda, waxa ay cuni lahaayeen, waxa ay cabi lahaayeen iyo sida ay u seexan lahaayeen.

Bal inyar aynu dib u milicsanno taariikhdii Nabiga (scw) iyo kadib geeridii nabiga laga soo bilaabo sanadii 632kii muddo aad u kooban kuna dhow 100 sano islaamka waxa uu gaaray Shiinaha ilaa Masar si xooggan ayey diinta islaamka u fiday. Tusaale islaamku waxa uu gaaray goobahan soo socda sanadahan cayiman; {634 Suuriya (Dimishiq)} {635 koonfurbari Boqortooyadii Fars /Sarsani}, {641 Masar}, {647 Semarkhand}, {676 Isbanya}, {720 Faransa} ila uu islaamku gaaro Javaya sanadii 830. Islaamka si baaxad weyn leh oo aanan la qiyaasi karin horyana loo arag ayuu dhulal badan u gaaray,sababtoo ah waxaa mudnaanta koobaad lasiin jiray harumarinta iyo difaaca diinta islaamka.

Dhawaanahan waxaa soo ifbaxay in diinta Islaamka iyo muslimiinta loo kala saaro laba qaaybood ama laba kooxood oo kala ah; Culimo doonaysa in ay casriyeeyan diinta Islaamka iyo kuwa kale oo in ay xiliyadi horey u celiyaan Inkasta oo labada fikir ay kala duwan yihiin, haddana waxa jira meelo ay isaga mid yihhin, tusaale ahaan, Kuwa doonaya iney casriyeeyan diinta islaamka iyo kuwa kaleba waxa ay u arkaan diinta islamka fikrad oo qura.

Dadyowga fikradaan ka rumaysan islamka waxay muujinayan ineysan diinta islamka ahayn mid dhameestiran ama diinta ay u dhigaan sida ay rabaan iyo sida ay doonayaan iyagoo ku fushanaya danahooda gaarka ah. Arrintan ayaa waxay dhalisay in qur’aankii lagu soo koobo kaliya xifdinta aaydaha qoran, midaas oo dhalisay in la baal maro micnaha iyo ujeedooyinka ayaadahasi xanbaarsanyihiin iyo Sidoo kale culuumadii islaamka oo bulshada ka heli waaysey maamuus iyo qadarin ku haboon.

Iyadoo Culumaddii u heelanayd faafinta Islamka qalad laga fahmay, sidoo kale Iyadoo nuxurki iyo hadafkii weynaa ee diinta islaamka ku saleysnayd meesha laga saaray, waxaa tusaale u ah kala saarida diinta iyo siyaasada, in dadku si khalad ah u fahmaan shareecada Islaamka waxaa kaalin weyn ku leh faragelinta reer Galbeedka ay bulshada islaamka ku hayeen. Reer Galbeedka diimahoodii waxa ay rabeen waa ay kala baxeen intii kalena way isaga tageen oo Ilaahay bay ku caasiyeen taaso ka dhigaysa inay ujeedkooda caddeysteen. Laakin dadka Muslimiinta sheeganaya diintii iyada oo dhan mana qaadan mana ka tagin oo dhex ool ayay noqdeen, Tusaale ahaan Turkiga kadib burburkii boqortooyadii osmaaniyiinta.

Muslimiinta maanta dunidan ku sugan maxay ka turjumayaan, haddaan si kale u dhigno su’aasha, bulshada muslimka ah ee dunidan maanta jooga ilaa heer intee la’eg ayay horumarsanyihiin?

Jawaabta su’aashan oo adag awgeed bal aan si fudud u tilmaano. Tusaale xiliyadii 1919kii; sannad kadib markuu dhammaaday Dagaalkii 1-aad ee Adduunka ma jirin dowlad muslim ah oo xor ah, tani waxay aheyd waxaan horay loo arag oo aanan loo maqal. 18 sano kadib Dagaalkii 2-aad ee Aduunka, dowladdihi muslimiinta ee xorriyada dib u helay dadyawgooda wax akhriya
ama wax qori kara celcelis ahaan %50 ma aysan gaareynin, tusaale ahan Baakistaan dadka wax akhriya ama qora 25 boqolkiiba ayey ahaayeen, Nayjeeriya dadka wax akhriya mise qora %10 ma aysan gaareynin. Bal aan isweediino Soomaaliya xaalkeedu siduu ahasan karaa!

CUTUBKA 2aad: NIDAAM AMA QAABKA ISLAAMKA (SYSTEM-AHAAN).
Qaab ahaan Islaamka maxaa loola jeeda ?
Qaab ahan Islaamka waxa ay micnihiisu tahay in lagu midoobo waddan, diin, awood iyo dhaqan, xiriirrka dadkana ku salaysnaado tarbiyo, dhaqan wanaag, dan guud, mutadawacnimo iyo iskaashi marwalba jiro, intaas oo isu tagaan waxa ay dhalaan in la helo nidaam islaami ah iyo bulsho wanaagsan.

Nolasheenna diin iyo duca oo kaliya inan kusoo koobno ma’ahan, sidoo kale waa in aan ku darnaa dadaal iyo hormar cilmiyeesan oo dhankasta taabanaysa.
Jiilkasto waxaa ka hor yimaado caqabado iyo fursado kala duwan kuwasoo la socda waayaha dunida ,Aliya saddex talo ayuu u jeediyey dhallinyarada muslimiinta talooyinkaas oo kala ah:-

1. Inay Diinta islamku tahay horseedka hormarka bulshada.
2. Wuxuu ku dhiira galinayaa la dhaqanaka bulshooyin kala duwan iyadoo islaamka lagu dhaganyahay.
3. İnaan garano isuna qaybino qaabka dadyowga kele ay isku qaabeeyeen ee kala ah siyaasiyiin, aqoonyahano iyo hantiilayaal

İyadoo aynu ogsoonahay in Diinta islaamka ay tahay diinta kaliya ee dabaqadaha kaladuwan ee bulashada siisa caddaalad iyo sinaan.
Taasoo ka duulaysa qaacidada ah Muslimiinta oo dhan waa walaalo.

Cutubkan oo ka koobnaa qeybo badan Aliya waxa uu faalooyiin dhaadheer ka bixinayay dhibaatooyin badan oo maanta haysto dadka muslimiinta ah oo ay kamid yihin waxbarashada, bixinta sakada iyo iska ilaalinta ribada. Aliya waxaa uu bogaadinayaa mudnaan gooni ahna siinayaa horumarinta waxbarashada dumarka, kor u qaadita cilmiga iyo akhlaakhda, u dagaalanka xorriyada iyo la dhaqanka bulshooyinka kale.

CUTUBKA 3aad: DHİBAATADA HAYSATA NIDAAMKA WADDAMADA İSLAAMKA.
Aliya izzetbogovic intuusan sharxin dhibaatada systemka islaamiga ah ka jiro iyo hab maamulka kale ee waddamada muslimiinta ah, waxuu sharraxayaa dhaqdhaqaaqii lagu doonayey in lagu dhiso dowlad islaami ah oo ay yeelato Pakistan. Aliya waxa uu cutubkaan ku leeyahy dhaqdhaqaaqan waxa uu ku bilaabmay iyadoo laga leeyahay rajo fiican nasiib daro maysan suuraggalin.

İn laheli waayo dawlad islaami ah horumar balaranna ku talaabsata waxaa sabab u ah, ayuu qoraagu leeyahay, xukunadii islaamiga oo dadkoodi ku koobay kaliya in laga doodo xukun ciqaabedyada diinta, qisaasta iyo qaabka sakada dadka looga uruurin karo. Wuxuu qoraagu ku doodayaa in arinkan ay sababtay gaabis ku dhacay xukuumadaha iyo bulshooyinka islaamiga ah iyagoo ka gabiyaya kor u qaadida wacyiga islaamiga ah iyo waajahida xaaladaha bulshooyinka ku suganyihiin.

Markii la’eego dadaaladii loogu dhisiyay pakistan dawlad islaami ah Aliya waxa uu door bidayay in la baro bulshada diinta islaamka, wanaagga, caddaaladda iyo muhiimadda balaaran ee leedahay shareecada islamka, kadibna macquul ayey ahaan laheyd in ay suurtagasho dhisidda dowlad islaami caadil ah. Dadka muslimiinta maanta joogo cilmi way leeyihin laakiin waxa ay garan la’yihiin sida ay isukula jaan qaadi karaan horumarka cilmiga iyo ujeedooyinka balaaran ee diinta islaamka. Aliya waxa uu leeyahay muslimiinta markii ay ka gaabiyeen wax soo saarka iyo horumarka sayniska iyo teknolojiyada waxay sababtay in dadkii ay maskax ahaan dib dhacaan wax kastana ay ku saleeyaan qadar iyo qayb.

Aliya sidoo kale mowduucan waxa uu xoogga ku saaray micneynta islamka system ahaan, waxa uuna caqabada islaamka ee maanta u arkaa in ay yihiin; cunsurinnimda, kirishtaanka, yahuudinnimada, hanti-goosadka [capitalism] iyo hanti-wadaagga [socialisim] ee xiliyadaas dunida hareeyay.

GUNAANAD
Aliya izzetbogovic
guud ahaan ahaan buugga waxa uu ku soo bandhigayaa dhibaatooyinka haysta dadka muslimiinta iyo qaabka dhibaatooyinkaas looga bixi lahaa. Aliya izzetbogovic waxaa uu mar kale hoosta ka xariiqay in dhibaatoyinkani aysan ka imaanin islaamka balse muslimiinta uu dhibka kajiro.