HOW EUROPE UNDERDEVELOPED AFRICA(SIDEY YURUB DIB UGU DHIGTAY AFRICA)
WALTER RODNEY
HORUDHAC IYO TAARİİKH NOLOLEEDKA QORAAGA:
Qoraaga buugan wuxuu u dhashay wadanka Guyana ee koofurta Ameerika.
Qoraagu wuxuu ku dhashay george-town 1942, wuxuu ka dhashay qoys sıyaasada sı dhab ah ugu jıray.
Siiba aabihiis wuxuu hubinta horumarınta ka ahaa xisbiga People Progressıve Party(PPP), kaasoo mar ahayd ururka kelıya ee ka jıray karribaaniska.
1963’dii walter wuxuu ka qalinjabiyey wıth first honor maadada tariikhda,waxuuna scholarship ka helay jaamacada London halkaas uu kasii wataybarashada maadada Afrika.
1966-67, Walter wuxa uu noqday barre ka baxsha maadada taariikhda macad ku yaal Dar es Salaam, Tanazania. 1968 wuxuu dib ugu laabtay Jamayka, si uu u wax uga sıı fahmo taarikhda Afrika iyo karribaanıska. Laakiin mida taas ka muhiimsan uu u yimid ayaa ahayd inuu dadka u iftiimsho baahida loo qabo inuu dhaco inkilaap xaga fikirka ama aragtiyada ah. In ka yar sanad Walter wuxuu gaaray caawiyeyna nolosha dadka reer Jameeka iyo ardayda jaamacadaha wadanka. Waxayna si dhab ah u bilaabeen dhaqdhaqaaqyo iyo iskaashi dhab ah. Taa waxay sababtay in dowlada Jamayka ay Walter u aragto ajaanib aan loo baahnayn in uu wadanka ku sii jıro taas oo ugu dambeyn keentay in1968’dii Walter oo ku sugan konfereska qoraayaasha madowga ay dowladu wadanka ka misaafuriso.Isla waqtıyadaas CLR James Group iyo dhaqdhaqaaqyo kale oo karibaaniska ah kuna nool London ayaa ka codsaday Walter iney daabacaan casharadii uu bixiyey intuu ku sugnaa Jameeka. Waxayna bilaabeen in ay aasaasaan Bogle-L’Ouverture Publishing House. Sanadku markuu ahaa 1969 kiina waxay daabaceen buugiisa u horeyey uguna aqriska badnaa ee “Grounding With My Brothers”.Walter na wuxuu kusoo laabtay Dar es Salaam wuxuu ku laabtay in uu jaamacada ka bixiyo duruus(1969-1972).
1972dii ayey L’Ouverture iyo Tanzania Publishing House si wadajir ah u daabaceen buugiisan “How Europe Underdeveloped Africa”. Wuxuuna buugu gaaray meelo badan aadna looga aqriyey.
Walter waxaa casuumaad uu ku tagayo Atlanta ıyo University of guyana uga timid Institute of Black World(IBW) kaas oo ahaa macad ka dhısan Atlanta ayna aasaasen Madowga Amerika. Sababta ayaa ahayd ın uu ka hadlayo carqaladaha wax barashada ıyo halganka madowga. Wuxuu ku sugnaa IBW muddo bil ka badan ınta uu u gudbin Guyana. Markuu gaaray Guyana waxaa laga kansalay casuumaadkıısıı jamacada cadaadis kaga yimid dowlada owgeed.
Walter wuxuu go’aan ku gaaray ın mar dambe uu sı joogta ah uga maqnaan doonın dhulkiisa hooyo ee Guyana. Wuxuuna markiiba ka bilabay sare u qaadista iyo horumarinta dadkiisa. Ugu horeyn wuxuu ka bilaabay horumarinta shaqaalaha (developing of working people) tan labaadna waa in uu xooga saaray cadaadinta dowlada taas oo lunsan jirtay rajadii iyo aaminadii dadkeeda.
Walter wuxuu waqtiga intiisa badan ku bixin jiray Guyana National Archives iyo Carribbean Research Library.
Qoraagu wuxuu cadaadis kala kulmay dhowr mar dowlada guyana. Taas oo keentay in mar lagu eedeyey in uu ka dambeyey dab ka dhacay dhismo dowladu leedahay.
13ka Jun 1980 kii ayuu u geeriyooday qarrax loogu xiray baabuurkiisa.
Qoraagu wuxuu hal ku dhic u lahaa kuna celcelin jiray in wadada keliya ee saxda ee horumar ıyo xoriyad ay dadka badankood ee wadankıısu ku gaarı karaan ıney tahay ısbedel ay ku sameyaan naftooda taaso ah ıney bedelaan ama qaabeyaan dowlada neo-colonist ah.
Qoraagu wuxuu jawaabta suaasha ah yaa sababaya ıyo maxaa sababaya dib u dhigista Afrika wuxu dusha ka saray iney ka masuul yihiin sistemka gumeystaha kuwaasoo baabı’iyey qaninımadii Afrıka kana dhıgay ıney Afrıka sı dhaqsa leh ku hormarto mıd aan suuragelı karın.
CUTUBKA-KOOBAAD:
Cutubka koobaad ee buuga qoraagu wuxuu uga hadlayaa qeexitaanka “Horumar” iyo “dib u dhac”
Waa Maxay Horumar?
Marka laga fiiriyo hormarka dhanka bulshada wuxuu leeyahay dhinacyo badan .sida horumarka shaqsiyadeed (individual Developement) kaas oo ku saleysan in ay shaqsigu u kordho xirfad, awood, xorriyad,wax soo sar,masuuliyad qaadid, iyo agab i.w.m. Horumarkaas waa mid ku qorsha shaqsiga waqtiga wuu jiro, halka uu kaso asalmay waana mid uu shaqsiba shaqsiga kale uga duwan yahay. Waxay na ku tiisantahay horumarka ay gaaraan bulsho meel ku wada nool(Social Developement).
Horumarka bulshooyin mabadan soo saara waxyaalo kala duwan waxa uu horseeda horumar dhaqaale.(economic Developement). Markasta ay bulsho badiso wax soo saarida halka ay ku noolyihiin waa sii korsha dhaqaalahooda. Waxaana sababa sida ay bulsho u fahanto sayniska, isticmaalka teknoolojiyada.
Qoraagu wuxuu kale oo uu sheelayahay in horumarka dhaqaale ay qaarad walba ka qeyb qaadatay , siiba Afrika ayaa ahayd qaaradii sida xoogan uga qeyb qaadatay.
Kala saarida shaqaalaha(specialization and division of labor) waxay keentay in wax soo saarku sare u qaadmo si simanna aay u wada gaarin dadkoo dhan. Tusaale haddan u soo qaadano dhulka beeraha Jina ee waa gaas. Waxaa dhici kartay in dad yar ay ku soo aadi jirtay dhul weyn. Halka mararka qaar uu dhul yar uu lahaa wax soo saar badan ama heli jiray shaqaale badan.
Horumarka dhaqaale ee xiliyadaas la gaaray in bulshooyinku ku kala duwanaadaan waxaa kaloo sabab u ahaa kala duwana idiyoolojiga iyo waxyaalaha ay bulshoyinku aaminsanyihiin( Social beliefs). Buugu wuxuu tusaale u soo qaatay siduu uga hadlay Karl Marx dabaqadaha iyo marxaladaha horumar salaysnaa mid waxkasts lawada leeyahay, si siman howsha loo wada qabsan jiray, wax kasta oo la helana si siman loo qeybsan jiray. Mida labaad oo ahayd Gumeysiga ( Slavery), kaas oo ahaa in dadyar loo shaqeeyo helaanna wixii soo baxa, halka dadka howsha qabanayana aysan waxba kuso aadayn. Dabaqada kale ee horumrka reer Yurub soo martayna waxuu ka dhigay kabitalisim(capitalism), kaas oo dhaqaalaha badan laga sameyey ku shaqeynta mashiino warshado iyo macdan qodis yaratayna dhaqaalihii laga heli jiray beeraha, halka daqliga laga helana aan si siman loo qeybin jiran.
Qoraagu wuxuu ka hadlayaa in horumarka dhaqaale ay gaartay qaarad walba lakin ay ku kala duwanyihiin qaabka ay u gaartay sidoo kalena qaarada dhexdeeda wadamaduna ay ku kala duwan yihiin. Tusaale ahaan, qaarada Afrika, masaarida ayey ahaayeen dadkii ugu qanisanaa ayagoo ahaa tujaar waweyn qarniyo badan kahor, halka xiligaas wadamaka kale ee Africa badankood ay ugaarsan jireen. İn horumarka ku kala duwanadaan wuxuu ku sababeeyey kala duwanaanta deegaanka, maamulka, mabaadiida ay aaminsanyihiin(System of Beliefs) i.w.m, kaas ay iskaga ekeyn bulshaba bulshada kale.
Waa Maxay Horumar La’aan/Dib u Dhac?
Horumar la’aantu maaha inaa horumar la gaarin lakiin waxay ka dhigan tahay horumar yari marka laga qıyaas qaato horumar sare, Maxaa yeelay biniaadamka oo idil waxay soo mareen kana kudbeen marxalado badan taana waxay ka dhigan tahay horumar.Tusale ahaan qarnigiii 18aad markay British ka dhaqaalo sare martay Yurubta kale dhaqaale yahangii British Adam Smith wuxuu ka qoray “Weath of Nations”Halka uu Ruush baarayey sababaha ka dambeeya in wadankiisu dib uga dhaco Reer Yurub sida Ingiriiska, Faransa iyo Garmalka.
Buugu wuu is barbar dhig ku sameyey Horumarka Yurub, Waqooyi Amerika iyo horumarka Afrika, Asia iyo latin Amerika, halka kuna yihiin kuwa horumaray kuwa kalena yihiin kuwo dib u dhac ah marka loo fiiriyo kuwa horumaray.
Buuga wuxuu dusha ka saraya horumar la’aanta qaaradaha Afrka, Asia iyo Latin amerika iney tahay ayadoo ayagoo dhaqaalahooda ay ka faaideysteen qaateena kapitalist iyo gumeystayaashii ( Capitalist, imperialist and colonialist exploitation).
Dib u dhacu waxa u ku xiranyahay hadba waxa lagu cabiro sida dhaqaale, xaga moralka, xaga jismiga iyo wixii la mid ah. Buuugu wuxuu leeyahay haddii Dib u dhaca lagu cabiri lahaa wax ka baxsan dhaqaale, wadanka ugu dib dhacsan wuxuu noqon lahaa USA.
Haddan fiirino Shaxda hoose waxay na tuseysaa kala duwanaanshaha horumarka dhaqaale ee u dhaxeeya wadamo ka mida Yurub iyo kuwo ka mida Africa 60meeyadii.
|
Countries |
Per Capita income in USD |
|
Canada |
2,247 |
|
USA |
3,578 |
|
France |
1,738(1967) |
|
United Kingdom |
1,560(1967) |
|
Africa as Whole |
140(1965) |
|
Congo |
52 |
|
Ghana |
198 |
|
Kenya |
107 |
|
Malawi |
52 |
|
Morroco |
185 |
|
South Africa |
543 |
|
Tanzania |
62 |
|
U.A.R |
156 |
|
Zambia |
225 |
Sida aan ka aragno shaxda wadama horumaray oo dhan waxay dhaqaalahoodu ku tiirsanyahay warshadaha, kana soo galaa macdanta iyo warshadaha, waxayna haystaan waxsoo saar badan ayagoo helaya xirfado iyo teknooloji sareysa waxay kaloo haystaan beera ka hormaran kana casrisan kuwa wadamada kale.Halka wadamada Africa, Asia iyo Latin Amerika ku yaal ay weli ku tiirsanyihiin beeraha maxaa yeelay waxay heystaan warshado yaryar ama maba haystaan wax warshado ah.
Buugu wuxuu kale is barbar dhigayaa xadmiga bir (steel) ay u isticmaalaan warshadahooda wadamada horumaray iyo kuwa Afrika, Tusaale USA waxuu isticmaasha 683kg qofkiiba,Iswidhen 623kg,halka Zambia ay ku so aadeyso 10kg qofkii,Bariga Afrikana 8kg Ethopiana 2kg qofkiiba. Sidoo kale isticmaalka Sonkorta Austrralia qofkiiba waxaa ku so aadaya 57kg, Waqooyiga Amerika 45kg, wadamada sovietka 50kg, halka Afrika ay kuso aadayso 10kg qofkiiba, Asiana ay kuso aadayso 7kg qofkiiba. Sidoo kale cunada tamarta leh iyo kuwa proteinka leh ay Afrika heleyso ayaa aad uga ineerada ay hooseeya wadama horumaray.
Waxaa kalo aad u ya isbitaalada iyo schoolada marka loo barbar dhigo wadama kale. Tusaale Talyaaniga 510 qofba waxaa kusoo aadaya 1 dhaqtar, halka Nigerna ay kusoo aadayso 56,140 qof hal dhaqtar. Waxaa kaloo wadama Afrika saaid ugu badan dhimashada carruurta an da’doodu gaareen halsano. Tusaale 1000 caaruur ee Cameroon waxaa dhinta 100 cunug, Sierra Loane ay dhimato 160 cunug. Halka Boqortooyada İngiriisku ay dhimato 12cunug, Holland na 18cunug.
Wuxuu buugu sheegayaa in dadka wax bartay siiba dhaqtarada iyo Injineerada ay ku yaryihiin Afrika, ayagoo badankoodna aada wadamadaas horumaray. Waxaa kaloo ku yar Teknolojiyada iyo waxsoo saarka, taas oo yareysey daqliga soo galaya wadamadooda.
Sidoo kale Dakhliga soo gala badankood wuxuu ku dhacaa gacanta shaqsiyo kooban, siiba ku bixinta mushaaraadka siyaasiyiinta. Tusaale Wadanka Benin (Dahomey) mushaarka lagu baxsho xubnaha baarlamaanka wuxuu ka badan yahay kan xubnaha baarlamaanka Ingiriiska.
CUTUBKA 2aad
Soo Gelitaanki Yurub kahor Horumarki ee Afrika sameysay (ilaa qarniqii 15aad)
1. Falanqeynta horumarki Afrika ka jirey ka hor inteysan imaan yurub
2. Horumarka Yurub ka jiray inta uusan balaaran kahor
3. Kaalinta Afrika eey ku leedahay horumarki maanta ee Yurub gaartey
4. Dib udhaca Afrika ee manta kaalinta ay Yurub ku leedahay
Qaarada Afrika oo ah qaaradihi ugu horeeyey ee dadku dagaan intuusan imanin nin cad yacni isticmaarki waxa kajirey boqortooyin maamulo iyo dhadhaqaaqyo hormarleh kaaaso ku saleysan sistemka feodalka .hormarida la taaban karey ee Afrika sameysay waxa kamid ah.
Masar
Qarnigii 13-aad Masar waxaa hogaamin jirey Memlukler,sidoo kale waxaa xusid mudan qarniqii 7aad wixii kadanbeeyey Masar waxey gacanta ugu jirtey maamul hogaankiisu ku saleysan yahay xag ciidan. Dhulka Masar waxa uu ahaa badan kiisa dhul ee dowladdu kireyso.
Masar waxaa ay sameysay xiligan hormar weyn iyado garab kaheleysa maamulkii Eyubi la oran jirey ee ka dhisnaa İran. Horumaradii ay gaartey waxaa ka mid ahaa qeybinta shidalka, dhisnaha wadooyinka, buundooyinka ,warta (meelaha biyahaha lagu keediyo), xirfadaha gacanta sida tolidda dharka iwm. Hogaanka Memlukler nidaamki ee isticmaali jireen ee feadol waxa uu Qaahira ka dhigey magaalo aad u qurux badan horumar ku talabsata.
Itoobiya
Bilawgii taarikda Itoobiya waxaa maamuli jirey quwado ajnabi ah ee uu kamid ahaa Aksum. Qolooyinka Amxaariga iyo Tigreega ee Itoobiya daga waxaa ee sheegtaan in asal ahan ee kasoo jeedan Nabi suleyman. Sidoklae waxa xusid mudan in boqortooyooyinki Itoobiya soo maray badankood ee ahaayen dad heysta diimo kala duwan aan ahayn diinta Islaamka. Sikaste ay ahaataba dadkaasi waxay ahaayeen kuwa muhiimada saara dhanka wax qorirdda, halka Afrika inteeda kale badankood ay muhiimaddu siiyeen dhanka hadalka.
Dhanka kale, waxaa jiray xiriiro fiican oo u dhaxeeyey bulshada iyo maamulka. Xilligaas Itoobiya wax so saaarkeed waxa uu kusaleysnaa beeraha. Sidooklae waxaa jiro ganacsiyo horumaro ee ay sameeyeen boqortooyinki so maray Itoobiya.
Waxa xusid mudan markii laga tago Masar iyo Itoobiya iney jireen boqortooyin kale oo waaweyn oo kajirey Afrika , sida Suudan, Zimbaabwi, Naajeriya iyo kuwo kale lamid ah oo
saameyn balaaran kulahaa qaaradda Afrika.
Boqortooyinka waxa ay ka shaqeeyeen iney horumar gaarsiiyan wadamadii ee katalin jireen iyagoo ku guuleystay arintas. Horumarki ee Afrika gaartey isticmaarkii Yurub ka kahoor waxbadan ayaa laga qorey laga dhahay xogta ugu badan ee lamuujiyey ayaa ah in Afrika yurub ka dib ee soo kabsan weysey oo ay duniddi kahartay.
CUTUBKA 3aad
Afrika sida ay u taageertay Nidaamka Hanti goosadka (capitalism) ee Yurub isticmaarki kahor.
Yurub sida ee kugaartay dajinta mise go’aan ka gaarida ganacsiga aduunka. Xirirka Yurub Afrika waxa uu bilowday qarnigi 15-aad bilowgiisi. Isku socodka ganacsiga adduunka waa wax ku shaqeeeyo danta yurub.Tusaale Bortaqiiska iyo spain qarnigi 17-aad waxa ay maamuli jireen isku socodka ganacsiga aduunka iyagoo sameyn jiray suuq geynta suuf ee Hindiya kasoo qaadaan ganacsi ahaana ugeyn jiray wadamadda Yurub. Yurub dekado badan oo Afrika ku yaalo ayey gacanta ku heysay. Sidookle Afrika ayey waxay ka qaadi jireen alaabaha gacantooda ee ku sameeyaan dadka afrikaanta. spain sidoo kale waxey suuq geyn jirtay birooyin ee ka qaado Afrika .Bortaqiis iyaguna sidoo kale waxaa ay sameyn jireen in ay Afrika alaab ka qaadaan una iib geeyaan Hindiya.
Marki laga tago spain iyo Bortaqiiska waxa jirey wadamo kale oo reer yurub oo qeyb kulahaa isku socodka iyo kalageeynta alaabaha iyo maamulkooda.Waxaa xusid mudan in wadamadaan isticmarka ahi kaliya dadka afrikaanka ah ee u arkayeen dad xoolo aan waxba kafahmeynin ganacsiga xooga leh ee uu gumeystaha kawaday wadamadooda. Yurub isku socodka gancsiga ee kawaday wadamadan Afrika kaliya iyada un baa horumar ka gaari jirtey.Sidoo kale isku socodka ganacsiga ee Yurub iyo Afrika wuxuu saameyn weyn u geystey dadka Afrikaanka ah taas oo sababtay in dadkaan la adoonsado oo loo raro meel kasto oo shaqo ama xamaalinimo looga baahdo. Adoonsiga Yurub ee Afrika wuxuu si xun u saameeyey guud ahan qaaradda gaar ahan waqooyiga iyo galbedka Afrika inkastoo dadka Afrikaanka ahi aysan muujin dagaal ka dhan ah adoonsiga oo xoogan ayaa waxa lagu tıriya in ayagana masuul ka yihiin in adoonsigu uu qaarada Afrika si balaaran ugu faafo.
Dhanka kale qarnigii 19-aad Ameerika inteeda badan ganacsigeeda waxa uu ku tiirsana suuqa adoonsiga dadka madow.waxaa iyadana xusid mudan qarnigii 18-aad dhamadkiisa halyeygii
Afrikanka ahaa ee u dagaal tamay xurriyadda dadka afrikaanta Ameerika waxa uu ahaa Cripus Attuckstu.wuxuu suura geliyey in kuwa la adonsaday iyo dadka intooda kale in Amerika ee xilal muhiim ah ka qabtaan.
CUTUBKA 4aad
Dib u dhaca yurub iyo afrika xididkiisa ilaa1885 tii.
Ugu horeen dib u dhaca Afrika waxa keenay waxaa kamid ah adoonsigii isticmaarka yurub uu kusameeyey dadka Afrikaanta ah. Isticmaarka dadka uu aad u saameyey waxaa ka mid aha 15-35 dadka da’doodu tahay. Sidookale waxa jirey cuduro faafo oo kufaafay wadamo badan oo ku yaalo qarada afrika.Saameynta isticmaarka ee qaarada Afrika sidoo kale waxay aad u saameysay wadamada saaran bad weynta Hindiya iyo bariga Afrika. Sameynta weyn ee ay sababtay isticmaarka iyo adoonsiga dadka afrika waxa kamid ah in eeysan kordhın tiradda bulsahda ee qaarada Afrika tusaale:
|
1650 |
1750 |
1850 |
1900 |
|
|
Afrika |
100 |
100 |
100 |
120 |
|
Yurub |
103 |
144 |
274 |
423 |
|
Aasiya |
257 |
437 |
656 |
857 |
Waxa jirey waqtigaan heeso loo qaadi jirey isticmaarka heesahaas oo ahaa kuwa katurjumayo in ninka cadaanka uusan noqonin xamaali mise mid la adoonsado heesahaas oo badan ayuu gumeystuhu bari jiray dadka.Sidookale Ingiriiska waxa uu ganacsi xoogan ka dhex wadey Hindiya iyo Afrika. İsticmaaradii Afrika aad ugu taajirey ayuu ahaa İngiriska kadibna waxa uu horumar kagaaray dhanka warshadaha.
Horumarka micnihiisu waxa uu yahay inuu wadanka wax soo saar iyo isku filnaansho dhaqaale mid ciidana uu heysto. horumarka Afrika waxa u diiday waxa ka mid ahaa in dhalintii Afrikanka ahaa waxbarshadi katageen, taasina waxay ahayd saameyn uu keeny isticmarka. Dadka Afrikaanka ahi muhiimadu ma aysan siin jirin waxbarashada taasi oo sababtay ineysan fahmin horumarka iyo isbadalada kasocdo adunka gaar ahan teknoolojiyada.
Taasi waxa sii dheered xiligan wadamada yurub kabaxsan oo horumar gaara oo aad u yareyd. Tusaale jabaan.
Dhanka kale waxaa xusid mudan in xilligaas aysan ka jirin Afrika baahi loo qabo teknolojiyo waayo dadka waxa ay ubadnaayen dad isticmaarka u shaqeeyo iyo kuwa uu adoonsado oo quutul yowmkooda iney soo saaran ku mashqulsan. Hase ahaatee, dhamaadki qarniqii 18-aad Afrika waxa ay fahamtay muhiimadda tiknolojiyadda ee leedahay mustaqbalka dhow iyo kan fogba oo qarnigii 19-aad bilawgiisi waxa ay isku dayday in nidaam teknoloji ah ee Yurub kasoo qaadato oo qaarada Afrika la keeno, balse Yurub arrintan way iska indho tirtay. Afrika iney horumar gaarto dan uguma jirin reer Yurub iyo nidaamka ay wataan ee hanti goosadka ahi. Tusaale Tanzaaniya iyo Zaambiya waxaa gumeystay Yurub lakin labadaan wadan waxa wadooyinka tareemada mara u dhisay shiinaha.
Dhanka kale waxaa xusid mudan in xilligaas aysan ka jirin Afrika baahi loo qabo teknolojiyo waayo dadka waxa ay ubadnaayen dad isticmaarka u shaqeeyo iyo kuwa uu adoonsado oo quutul yowmkooda iney soo saaran ku mashqulsan. Hase ahaatee, dhamaadki qarniqii 18-aad Afrika waxa ay fahamtay muhiimadda tiknolojiyadda ee leedahay mustaqbalka dhow iyo kan fogba oo qarnigii 19-aad bilawgiisi waxa ay isku dayday in nidaam teknoloji ah ee Yurub kasoo qaadato oo qaarada Afrika la keeno, balse Yurub arrintan way iska indho tirtay. Afrika iney horumar gaarto dan uguma jirin reer Yurub iyo nidaamka ay wataan ee hanti goosadka ahi. Tusaale Tanzaaniya iyo Zaambiya waxaa gumeystay Yurub lakin labadaan wadan waxa wadooyinka tareemada mara u dhisay shiinaha.
CUTUBKA 5aad
kaalinta ee Afrika ka geesatay horumarinta nidaamka hanti goosadka xilligii isticmarka.
İsticmarka marki la eego micnihiisu waxa uu yahay in wadan dib loo dhigo sidoo kale Isiticmarka micnihiisu waxa uu noqda bulsho hanti ay leedahay in buulsho kale ee sidey rabto u isticmasho geysana meeshi ay rabto. Gumeystihii waxaa jirey tacaddiyo waa weyn ee uu u geystay dadka Afrikanka ee kamid tahay; shaqaalaha Afrikanka 10-14 sac inuu ku shaqeyn
jirey, halka kuwa cadanka ahi ay shaqeyn jireen 6-8 saacadood iyagoo xagga mushaarkana ay kukala duwanaayeen ee qofka caddaanka ahi uu qaadanayo mid kabadan inta qofka madow lasiinayo.
Macdanaha laga soo saari jirey Koonfur Afrika ,Muzambiik iyo wadamo kale oo badan oo Afrika ku yaala waxa soo saari jirey shaqaalaha Afrikanka lakin lacagta iyo macdanta badankood waxa la geyn jirey wadamada Yurub.Tusaale wadanka Liberya waxa lagu tiriya wadamada aan lagumeysan ee Afrika ku yaalo balse waxa xusid mudan in wadankan uu mareekan iska heystay.Tusaale waxaa jirtey shirkad mareeekan waxa ay ku fadhisay boos qiimihiisu yahay 1 milyan waxa ay soo saarto %1 ayeey canshuur ahan u dhiibi jirtey.Sidooklae waxaa tusaale loo bixin karaa bangiyadii ku yaalay Afrika, bankiyadan xarumahooda ugu waaweyn waxa ay ku yaaalen Yurub oo laamo kaliya ayaa laga hergeliyey Afrika. Tusaale 1862dii waxaa Koonfur Afrika ka shaqo bilaabay banki; bangigaas xaruntiisa weyn waxa ay ku taaley İngirriska. Bankigan faa’iidada uu helo waxa ay gaartay lacag dhan 1.181.000 oo lacagta İngiriiska ahi. Lacagtan ku dhawaad %14 waxa qaatay isticmarki reer yurub.
Saameynta dhaqaalaha Afrika uu isticmarki u geeestay waxa kamid ah inuu hishiisyo dantiisa ku jiro in ay ka saxiixa jireen Afrika. Maamul aan asaga ka hor imaaneynin oo dantiisa siyaasadeed iyo mid dhaqaalabo fulinayo inuu ka sameeyo Afrika. İsticmarka inuu wax kasto oo Afrika yaalo uu u ogalaado shirkadaha ka imanaayo wadamada yurub. Sidoo kale isbadal kasto oo yurub ka dhaco waxa kaalin weyn ka qaadan jirey dadka Afrikanta. Waa run in 1945-ti wixii kadanbeeyey in ay wax isbadaleen laakin isbadaladaasi ma ahayn kuwo saas usii balaaran. Dagaalki koowad adduunka iyo kii labaadba waxa ugu badan oo dagaalamyey ama ladagal geliyey waxaa ku jirey wadamo Afrikan eh lakin sidaa lasocono majirn waddan Afrikaan ah oo dagaaladaasi qeyb ka ahaa.
CUTUBKA 6aad
Sistam ahan isticmarka Afrika.
Bulsho kasta oo la gumeysto cilmigeedu waa cilmi u adeego gumeystaha ,taasna waxa keenaysa gumeysiga aas aaska u ah adoonsi iyo rejiim. Waxa la saadaaliyaa iney jiran
faa’iidooyin ee isticmarki Afrika ka dhaxashay. Wax kasto waxa ee leeyihin labo waji; tusaale Bortaqiiska wadanka la leeyahay waa wadan Afrika nimcooyinkeeda ka dhargey lakin bal aan fiirino wadamadı Afrika uu Bortaqiiska gumeystey maxay ka faa’iiden. Bortaqiiska boqol sano kahor Muzanbik, Angola,Gine waxuu shegta inuu geeyey noloshi wadamadas taaley nolol kacasriyeeysan. laakin saddexdaan wadan aan xusany majiro hal dhaqtar uu usoo saaray Bortaqiiska.
Angola waxa la sheegay celcelis ahaan dadka da’da 30 sano inta aysan gaarin in ay dhiman jireen. Sidoo kale Moroco ,Kenya,iyo koonfur Afrikaba isticmaarka waxa uu u sameeyey waxa ee dantiisa oo kaliya ku jirta. Tusaale Marooko qarnigii 18-aad ilmaha isticmaarka uu dhalay ee cadaanka ee magoolynka dalkaas ku dhimanayo celcelis ahan waxa ee ahayeen 39% halka ilmaha Morookanka ahi ee dhimanayo ee xanuunada kala duwan u dhimanayo 80% ee ahayen.
Sidokale waxaa qiimeeyn ku sameyn karnaa shirkadaha ku yaaley koonfur Afrika. Shirakadaha waxaa ka shaqeyn jirey dad Afrikan lakin faa’iidooyinkey soo saaraan waxaa kala qeybsan jirey Yurub Aasya, inta ugu yarna waxaa la siin jirey dadka shaqaalaha ee udhashay koonfur Afrikanka. Sidokale Nijeerya waxaa la dhahaa wadamada ugu badan ee isticmarka horumarka uu gaarsiiyey. Sida aan lawada socono Nijeerya waa wadan bulshadiisa badan yahay. Gumeestihii Ingiriska ee wadankaas gumeystey, 50 gumeyste oo wadankaas joogo waxa uu u dhisay isbitaal casri ah oo 11 sariir leh adeegyo fiican leh halka 34 milyan oo Nijeeryaan ahna uu u dhisey isbital 34 sariir iyo adeegyo leh oo kaliya. Xaladan oo kale waxa ee kataagned wadamo badan oo Afrika ku yaalo.
1930 4.000 oo reer yurub markey heysteen 12 isbitaal oo casri ah 40 milyan oo Afrikaan waxay heesten mise isbitaal u ahaa 52 isbitaal oo kaliya.
1912 Koonfur Afrika waxaa laga dhisay boqortooyoyin dahabka . taasna waxa sii dheered in xiligan ee KoonfurAfrika ee kusoo badanayeen dadka madowga ah ee aanan heysanin hooyga,cuntada waxyaalah aas aaska nolosha ee kamidyihiin.
Tankale xiliga gumeystaha wadamo badan oo Afrika ah lagama hergelinin isgaarsiinta taasna waxaa sabab u ehed in isticmaaarku uu san rabin in dadka Afrikan iney wada xiriiran.
1900-1960 ki waxaa jirey shirkado badan oo laga furay wadamo kala duwan oo Afrika ku yaala shirkadahan waxaa faa’iido weyn ku qabey furayna isticmaarki. Wadamada ugu badan
oo shirkadahan lahaa waxay ahaayeen İngiriska iyo Fransiska. Tusaale 1956 Fransa waxay furtay shirkad lagu magacaabo SDOM oo quseysa petrolka wadamada waqooyga Afrika ku yaalo.sidooklae waxa xusid mudan in xiligan go’aankasto oo horumar lagu gaarayo iney gaari jireen isticmaarka horumarkana waxaa gaari jirey ayaga oo kaliya.
1927 senegal waxa laga dhisay warshado ee kamid tahay mida saliida warshadahaan waxay saliid u dhoofin jirtey Faransa. Waqti yar kadib warshadahaan waxay cadaadis kala kulmeen qolooyin Faransa joogo oo khuseeya soo saarka saliida. Qolooyinka waxa ay ku talinayeen in warshadan halkan laga soo raro mise laxakameeyo oo dhaq dhaqaaqooda aad loola socdo. Arintan waxay kajirtey qeybo badan sida beeraha bankiyada iwm. İsticmaarkii Afrika waxa uu aad ugu saleysnaa sistamka kapitalizimka kaasi oo ku saleysnaa horumarka Yurub. Baaritan la sameeyey ayaa soo bandhigay shaqaalaha suufka ka shqeeya ee u dhashay wadanka Jaad halki sac waxa uu shaqeeya hal cm ee dharka sufka xitaa ineysan ugooneynin.
Karlmarx nidaamka capitalizka sida shaqaalaha dhididkiisa uu cuno mar uu sharxaayey waxa uu tusaale u soo qaatay arintan suufka. Sidookale waxaa xusid mudan saameynta ugu weyn ee uu isticmarka Afrika ugeeystay waxaa ka mid ah hogaan iyo maamul xumo. Bulsho maamul iyo hogaan laheyna horumar lagama sugi karo.
Qarnigii 18-aad Afrika waxa ka bilawday daagaalo ku saleysan qabiilo, kala sareyn iyo mid diined waxaana sabab u ahaa daagaladan sistamki gumeystaha. Sidokale waxaa xusid mudan in 1969 reysulwasaarihi İngiriska Horald Macmillin waxa uu kusoo celcelinayey horumar baaxad weyn iney gaarteyAfrika welina ee sii gaareyso. Laakin horumarkaas uu sheeegayo waxaa gaarey isticmarki.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in dad badan oo Afrikan ahi ee xilligan nafaqo daro iyo cuduro kala duwan ee la il darnaayen kuwa qaarna ay u dhimanayeen. Baare arintan u kuur galay ayaa waxa uu is barbar dhigey isticmarki kahor dad kenyan oo hal qowmiyed ahi iyo isticmarki kadib asagoo sheegayo in dadkan isticmarki kahor markuu u imaaneyey uu san ku arkin wax goosas suusleh wax nafaqo daran heyso iyo wax jirooyinka hada la daala dhacayan kusugan .Taasna waxay cadeen u tahay dhibkasto Afrika gaarey gumeystihii kadib inuu gaarey .tusaale Gaambiya wadan wuxuu ahaa isticmarka kahor dadkiisu cunto ahan hilib iyo wax nafaqo leh cuni jireen iskuna filnaayeen laakiin isticmarka kadib Gaambiya dadkeedu waxa soo food saaray raashin la’aan, nafaqo daro, xanuuno kala duwan.
Waxa jira baarayal ku doodaya in isticmarku uu siin jirey dadka cuntooyin iyo daawooyin dhacay.Taasna ee sababtay in Afrika cuduro kala duwan ay ka dilaacan. Xilligaasi waxaa jiray bulshooyin kuguulestay iney kamaarmaan isticmaarka iskuna filnaadan; bulshoyinkas waxa kamid ah Somaliya.
İntan waxaa sii dheer saameyntii isticmaarka waxbarashada Afrika, ila 1950-kii meysan jirin iskuulo mise jaamacado madax banan. Xiligan iskuuladda iyo jaamacada ugu badan waxa furay oo maamulayey isticmarka. Macalin ka mid ahaa macalimiinta isticmarka ayaa isagoo arday Afrikan wax u sharxayo yiri haduu qofka wax badan barto doqon buu noqda.
Sidoo kale waxa xusid mudan in iskuuladda xiligan laga furey ee furi jireen kaniisadaha kuwaaso badankood lagu baran jirey diimahooda.
Faransa waa wadanka ugu badan ee Afrika ka hirgeliyey Iskuuladda lagu barto diinta. Iskuuladdan uu isticmaarka furay ardayda wax kabarato aad bey u liidan jireen xitaa mararka qaar waxa dhici jirtay ardayda baasto iyo kuwa dhaco iney farqi weyn u dhaxeeyaan. Sidoo kale waxa xusid mudan 1949 dugsigii sare ee ugu horeeyey ee ganacsade Somali uu leeyahay in Somaliya laga furay. Iskuulkaan wuxuu noqday kuwa fara ku tiriska ee madax banan. Waxaa xusid mudan in gumeystaha asigoo hab kasto iyo dhankasta asoo isticmaalayo in uu dib u dhigay.